Madaxweynaha dalka Tansaaniya Samia Suluhu Xasan ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay inay farriin hambalyo ah u diraysa madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.
Waxay shacabka kenyaanka ah ku bogaadisay inay si nabad ah uga qayb qaateen doorashadii guud ee qabsoontay 9-kii bishan.
Samia ayaa hoosta ka xarriiqday in Tansaaniya ay sii wadi doonto iskaashiga saaxiibtinnimada ku saleysan ee kala dhexeya dowladda Kenya.
Ninapenda kuwapongeza kwa dhati wananchi wa Kenya kwa kushiriki uchaguzi wao mkuu kwa amani na utulivu, ambapo matokeo yake ni Dkt @WilliamsRuto kutangazwa kuwa Rais mteule wa Kenya. Tanzania itaendeleza undugu na ushirikiano wa Kihistoria na Kenya uliodumu miaka na mikaka.
— Samia Suluhu (@SuluhuSamia) August 16, 2022