Madaxweynaha dalka Masar Cabdel Fataax al-Sisi ayaa dib u magacaabay ra’iisul wasaare Dr. Mostafa Madbouly oo gudbiyay iscasilaadda xukuumadiisa.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka Masar.
Al-Sisi oo sanadkii hore markii saddexaad loo doortay madaxweynaha dalka Masar ayaa xukuumadda cusub ee la soo dhisaya ku amray in ay diiradda saarto in la yareeyo sicir bararka , in la xakameeyo suuqyada sidoo kalena la soo jiito maalgashi maxalli iyo mid shisheeye labaduba.
Waxyaabaha hor yaalla xukuumadda ra’iisul wasaare Mostafa Madbouly waxaa ka mid ah xoojinta amniga qaran ee Masar, wax ka qabashada caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.
Hasa ahaate, lama shaacin faahfaahin ku saabsan xilliga la soo bandhigi doono xubnaha cusub ee golaha wasiirrada dalka Masar.