Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Koonfur Afrika ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in madaxweynaha wadankaasi Cyril Ramaphosa uunan ku lug lahayn fal musuqmaasuq oo lala xiriiriyay.
Fadeexaddan oo soo ifbaxday bishii 6-aad ee sanadkii hore ayaa la rumeysan yahay in lagu lunsaday 500,000 oo doolar.
Ramaphosa ayaa horay u qiray in lacagtan la lunsaday balse waxaa warbixinta guddiga anshaxa ee dalkaasi ku cad in madaxweynaha uunan qorshahan ku lug lahayn.
Ramaphosa ayaa lagu hayay baaritaano ku aaddan inuu isku dayey inuu qariyo fadeexadda laga soo tabiyay beertiisa Phala Phala farm balse waxaa ugu dambeyn soo baxday inuunan wax khalad ah sameyn.
Afhayeenka madaxweynaha Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Vincent Magwenya ayaa warfidiyeenka u sheegay in hoggaamiyaha dalkaasi lala wadaagay warbixinta.