Madaxweynaha dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda booqasho rasmi ah oo qaadan doonta saddex maalmood ku yimaado dalka Kenya.
Booqashadan oo dhici doonta 24-ka ilaa 26-ka bisha November ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo ballaarinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Steinmeier ayaa la filayaa inuu kulan heer sare ah la yeesho dhiggiisa Kenya, William Ruto, xarunta madaxtooyada ee State House, Arbacada 25-ka November.
Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, maalgashiga, horumarinta xirfadaha, socdaalka, isbeddelka cimilada iyo iskaashiga dhinaca amniga.
Barnaamijka booqashada ayaa sidoo kale waxaa ku jira safarro uu ku tagayo xarunta ganacsiga ee Tatu City, halkaas oo uu ku booqan doono xarumo ka shaqeeya adeegyada caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.
Madaxweynaha Jarmalka ayaa sidoo kale booqan doona xarunta farshaxanka ee Anno’s One Fine Day, oo dhiirrigelisa hal-abuurka iyo fursadaha farshaxan ee carruurta iyo dhalinyarada.
Khamiista 26-ka November ayuu u safri doonaa magaalada Naivasha, halkaas oo la qorsheeyay inuu booqdo Crescent Island, isla markaana uu kulan la yeesho wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah ee Kenya, ka hor inta uusan dib ugu laaban Jarmalka.
Steinmeier waxaa booqashadiisa ku wehelin doona wafdi ganacsato Jarmal ah, iyadoo in ka badan 120 shirkadood oo Jarmal ah ay ka howlgalaan Kenya.
Labada dal ayaa sidoo kale iskaashi ka leh dhinacyada tamarta, beeraha, waxbarashada, tababarka xirfadaha iyo ilaalinta deegaanka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah safar uu madaxweynaha Jarmalku ku marayo qaaradda Afrika, kaas oo sidoo kale uu ku tagayo dalalka Côte d’Ivoire iyo Ghana.
Waxay noqon doontaa booqashadiisii ugu dambeysay ee Afrika isaga oo haya xilka madaxweynaha Jarmalka, ka hor doorashada madaxweyne cusub oo dalkaas ka dhici doonta bisha January ee sannadka 2027.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha jarmalka oo toddobaadka soo socda booqasho saddex maalmood ah ku imanaya...




