Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Kenya ee IEBC ayaa ka xumaaday go’aanka ay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradku uga baxeen kulan wada-tashi oo Khamiistii looga hadlayay diyaar-garowga doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Guddoomiyaha IEBC, Erastus Edung Ethekon, ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay shirka ka baxeen kaddib markii ay jeediyeen hadalladoodii hordhaca ahaa, isla markaana ay soo bandhigeen dalabaadkooda, iyada oo guddigu aanu weli fursad u helin inuu soo bandhigo warbixintiisa.
Ethekon ayaa xusay in tallaabadaasi ay hoggaamiyeyaasha ka hor istaagtay inay helaan xog toos ah oo ku saabsan heerka diyaar-garowga guddiga, horumarka la sameeyay iyo caqabadaha weli jira.
Waxa uu intaa ku daray in shacabka Kenya ay sidoo kale lumiyeen fursad ay ku dhageysan lahaayeen cabashooyinka iyo dalabaadka mucaaradka ee ku aaddan dib-u-habaynta doorashooyinka.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in cabashooyinka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal joogto ah oo wax-ku-ool ah, isaga oo ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay ka qayb qaataan wada-tashiyada mustaqbalka.
Dhanka kale, IEBC ayaa cambaareysay wararka sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii lagu casuumay shirka la dhibaateeyay lana cabsi geliyay, iyadoo sheegtay inay arrintaasi dib u eegis ku sameyn doonto, isla markaana ay la shaqeyn doonto hay’adaha amniga.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo uu hoggaaminayay hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua, ayaa shirka isaga baxay iyaga oo ku dooday in ajandaha IEBC uusan ku jirin arrimaha muhiimka ah ee ay shacabka Kenya ka tabanayaan.
Madaxweyne William Ruto ayaa isaguna dhaliilay tallaabada mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay khilaafkooda ku saabsan cidda noqonaysa musharraxa madaxweyne ee mucaaradka u gudbiyeen guddiga doorashooyinka.
Ruto ayaa mucaaradka ugu baaqay inay marka hore soo xushaan musharraxooda, diyaarsadaan siyaasaddooda iyo qorshahooda, halkii ay eedeymaha u jeedin lahaayeen IEBC.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu hore u soo gabagabeeyay 32 doorasho oo ku-meel-gaar ah, isla markaana uu sii wado diyaar-garowga doorashada guud ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo 10-ka Agoosto 2027.




