Madaxweynaha dalka Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa dowladaha Maraykanka iyo qaar ka mid ah kuwa reer galbeedka ku eedeyay in ay sii dhiirrigelinayaan in Israa’iil ay sii wado duullaanka Qaza.
Wakaaladda wararka ee Iiraan ee Mehr oo mas’uulkan soo xiganaysa ayaa tabinaysa in dhinacyadan ay taageerayaan Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Xamaas ay dhexdhexaadiyaasha matalaya dowladaha Maraykanka , Qatar iyo Masar ay ugu baaqday in ay soo bandhigaan qorsho lagu dhaqangelinaya soo jeedintii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee ku aaddanayd heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan galo Qaza.
Ururka Xamaas ayaa xusay in aan loo baahnayn in la qabto wareegyo dheeraad oo wada xaajoodyo ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,897 ruux halka la dhaawacay 92,152 kale.




