Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku biiray tirada hogaamiyayaasha caalamka ee maamuuska u sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga.
Odinga oo 80 jir ahaa ayaa geeriyooday subaxnimadii Arbacada isagoo lagu daweynayay dalka Hindiya.
Dhanbaalkiisa tacsida ah ayuu hogaamiyaha Faransiiska ku sheegay in dalkiisu uu shacabka Kenya kala qayb qaadanayo geerida hogaamiyaha geesinimadiisa iyo dadaalkiisaba uu qaabeeyay geedi socodka dimoqraadiyada ee dalka.
Waxa uu ku ammaanay Raila Odinga in uu yahay cod caddaalad, xorriyad, , midnimo iyo is-dhexgalka Afrika.
Hogaamiyayaasha caalamka oo uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay Raila Odinga mid naftiisa u huray dimuqraadiyad iyo cadaalad.




