Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay hoggaamiyaasha Masar iyo Senegal

0
264

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa hambalyo u diray dhigiisa wadanka Masar ee dib loo doortay Cabdel Fattah Al-Sisi.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay diyaar u tahay inay hoggaamiyaha Masar kala shaqeyso xoojinta midnimada iyo horumarka qaaradda Afrika.
Waxaa uu sidoo kale hambalyo u diray madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye.
Ruto ayaa Faye ku tilmaamay shakhsi hoggaamintiisu ay ku saleysan tahay aragti fog.
Waxaa uu xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inay ka wada shaqeeyaan sare u qaadidda xiriirka labada waddan.