Madaxweynaha dalka oo shirka golaha wasiirrada ku guddoomiyay Kisumu

0
269

Waxaa xarunta madaxtooyada yar ee Kisumu State Lodge ee ismaamulkaasi shirka golaha wasiirrada ku guddoomiyay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka uu furmay barqanimadii maanta.
Shirka golaha wasiirrada ee maanta lagu qabtay Kisumu ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu qabto meel ka baxsan caasimadda dalka ee Nairobi.
Afhayeenka madaxtooyada wadanka ee State House, Xuseen Maxamad ayaa sheegay in madaxweynaha dalka uu doonayo in kulamada golaha wasiirrada aan kaliya lagu qaban caasimadda wadanka islamarkaana sidoo kale ismaamullada kale ee wadanka lagu guddoomiyo.
Dabayaaqadi bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka uu meel ka baxsan caasimadda wadanka ku guddoomiyay shirka golaha wasiirrada ee xarunta madaxtooyada yar ee Kakamega State Lodge ee dowlad deegaankaasi.