Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sare u sii qaadi doonto xiriirka ay la leedahay Shiinaha si loola tacaalo caqabadaha oo guul loo wada gaaro.
Waxaa uu si gaar ah u xusay wanaajinta kaabayaasha horumarineed si loo dardargeliyo isku xirka iyo fududeynta ganacsiga gudaha waddanka iyo si guud gobolka.
Ruto ayaa dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping uga mahadceliyay soodhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay caasimadda dalkaasi ee Beijing.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto oo ka qayb galay kulan fogaal-arag ah ayaa ku baaqay in la tacaalidda isbeddelka cimillada uunan ku koobnaan keliya hadallo iyo ballan qaadyo balse loo beddelo in tallaabooyin la qaado.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay in ay kaalinteeda ka qaadato helidda xal wax ku ool oo ka dhan ah saameynta isbeddelka cimillada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa qurbajoogta kenyaanka ah ku boorriyay in ay ka qayb qaataan barnaamijyada horumarineed gaar ahaan kuwo waxbarashada , beeraha iyo caafimaadka.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya ay xoojin doonto iskaashiga kala dhexeeya...