Madaxweynaha dalka oo saxiixay hindisaha shirkadaha liita loogu wareejinaya waaxyo gaar ah

0
320

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada yar ee Kisumu State Lodge ee ismaamulka Kisumu ku saxiixay hindise sharciyeed ku saabsanaa in shirkadaha dowladda ee uunan waxqabadkoodu wanaagsanayn lagu wareejiyo waaxyo gaar ah si ay sare ugu qaadaan oo ay u wanaajiyaan.
Tallaabadan ayaa meesha looga saaray xeer la saxiixay sanadkii 2005-tii oo loo yaqaanay Privatisation Act, 2005.
Hindisaha uu qalinka ku duugay hoggaamiyaha dalka ayaa fududeynaya ciriiriga iyo hab-raacyada dhanka nidaamka ee ku aaddan marka shirkad ay dowladdu leedahay oo aan dakhli soo saareyn la wareejinaya.
Waxaa madaxweynaha madashaasi ku wehelinayay guddoomiyaha baarlamaanka dalka MosesWetangula
, xeer ilaaliyaha guud , Justin Muturi, wasiirrada kala ah Eliudi Owalo, Rebecca_miano iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungwah.
Hindisaha uu saxiixay madaxweynaha ayaa waxaa uu diirrigelinaya in waaxyaha ama shirkadaha gaarka ah ay si wayn uga qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha waaxyaha guud .
Tani ayaa horseedaysa in la adeegsado raasimaalka shirkadaha gaarka ah iyo aqoontooda si loo wanaajiyo adeegyada loo fidiyo shacabka.
Waxaa hindise sharciyeedkan baarlamaanka horgeeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda Kimani Ichung’wah iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in la soo dhiso maamulka shakhsiyeynta.
Waxaa uu Kimani sheegay in golaha baarlamaanka loo gudbinaya barnaamijkan si uu u ansixiyo sidoo kalena baarlamaanka uu u ayido.