Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Tanzania Cali Xasan Mwinyi

0
197

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka wadanka Tanzania ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Xasan Mwinyi.
Mwinyi oo soo noqday hoggaamiyihii labaad ee Tanzania ayaa geeriyooday isagoo 98 sano jir ah.
Waxaa uu madaxweyne ahaa intii u dhexeysay 1985 ilaa 1995-tii.
Waxaa uu ku geeriyooday isbitaalka Mzena Hospital ee magaalada Dar es Salaam ka dib muddo dheer oo uu la xanuunsanaa nooca kansarka ee saameeya sambabbada.
Madaxweyne William Ruto ayaa Cali Xasan Mwinyi ku tilmaamay hoggaamiye aan la hilmaami karin waxyaabihii laga dhaxlay.
Waxaa uu farriinta tacsida la wadaagay qoyska Mwinyi iyo sidoo kale madaxweynaha hadda hoggaamisa Tanzania , Samia Suluhu Xasan.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo xaaskiisa Ida Odinga.
Mr. Odinga ayaa madaxweynihii labaad ee Tanzania ee geeriyooday Cali Xasan Mwinyi ku tilmaamay inuu ahaa mas’uul waddani ah.