Madaxweynaha dalka oo bogaadiyay waxqabadka ciidamada KDF

0
168

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ciidamada militariga ee KDF-ta ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixinayaan difaaca qaranka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiishan ay waajibaadkooda uga soo baxaan sida laga doonaya tani oo muhiim u ah xaqiijinta nabadgalyada iyo xasilloonida wadanka.
William Ruto ayaa sheegay in awoodda qaranka ay ku saleysan tahay waxtarka maamullada kala duwan ee ka jira.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay taageeridda ciidamada difaaca ee KDF-ta.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi lagu dhaarinayay ku xigeenka madaxa KDF-ta iyo taliyeyaasha adeegyada kala duwan ee waaxdan hoos tago ee dhawaan la soo magacaabay.
Waxaa taliye ku xigeenka KDF-ta loo magacaabay Charles Muriu Kahariri wuxuuna beddelay Jonah Maina Mwangi oo howlgab noqday ka dib markii uu ciidamada militariga wadanka ka tirsanaa muddo 42 sano ah.
Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalaya xoojinta midnimada kenyaanka si meesha looga saaro qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.
Waxaa munaasabadaasi ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale iyo taliyaha guud ee ciidanka difaaca dalka General Francis Ogolla.