Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa abaal mariyay shan ka mid ah ciidamada gaashaandhigga wadanka ee KDF-ta oo lagu amaanay waxqabadkooda.
Waxay isugu jiraan injineerro iyo dhakhaatiir ciidamo dhaawacmay ka soo badbaadiyay meelo lagu dagaallamay.
Axmad Chire ayaa lagu abaal mariyay inuu 1-dii bishii Lixaad ee sanadkii hore waxyaabaha qarxa ka hoos bixiyay baabuur la doonayay in lagu burburiyo.
Atuba Laban Chirchir ayaa abaal marinta ku muteystay inuu la tacaalay oo uu dejiyay xaaladda labo sarkaal oo 8-dii bishii Shanaad ee sanadkii 2021-kii lagu dhaawacay keynta Boni.
Chirchir ayaa dhaawacyada daryeelayay muddo 6 saacadood ah ka hor inta aan la soo qaadin.
Waxaa sidoo kale abaal marin la siiyay John Kimothe Wanjiru oo isna soo badbaadiyay sarkaal ku dhaawacmay Lamu.
Wanjiru ayaa lagu amaanay in muddo shan maalmood ah uunan la socon kooxdii uu ka tirsanaa maadaama uu ka soo gudbayay keynta Boni isagoo dhaawaca sida.
Ibraahim Maxamad Babuya oo ka tirsan ciidamada hawada ee dalka ayaa isna lagu amaanay isticmaalka qalabka isgaarsiinta ee ciidamada.
Waxaa sidoo kale abaal marin la guddoonsiiyay Aloise Oteno Migai oo dayactir ku sameeyay qalabka korontada ee maraakiibta ciidamada badda ee dalka.
Ciidamadan ayaa la sharfay xilli shalay loo dabbaal degayay maalinta KDF-ta oo lagu qabtay deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.




