Madaxa Xamaas oo ku sugan Masar

0
363

Madaxa xafiiska siyaasadeed ee ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh ayaa ku sugan Masar.
Waxaa uu gaaray caasimadda dalkaasi ee Qaahira si uu wada hadallo uga qayb qaato.
Wada hadallada ayaa ku saabsan xal u helidda dagaallada ka taagan Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu maanta u codeyn doono qaraar la doonaya in lagu soo afjaro weerarrada ka taagan Qaza ee ay laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan ku dhinteen ugu yaraan 19,667 Falastiiniyiin ah.