Madaxa waaxda diiwaangelinta ee garsoorka dalka oo maanta la dhaarin doono

0
102

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta xilkeeda loo dhaariyo madaxa cusub ee waaxda diiwaangelinta garsoorka wadanka Winfridah Mokaya.
Guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee dalka ee JSC ayaa shaaciyay in munaasabadda dhaarinta ay abaare 10-ka barqannimo ee ka dhici doonto xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Ka dib turxaan bixin uu sameeyay guddiga JSC ayay madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacday magaca Mokaya oo xilkan loo soo xushay.
Waxay jagadan hayn doontaa muddo 5 sano ah.
Mokaya ayaa ka mid ahayd 7 qof oo uu turxaan bixiyay guddiga JSC .
Waxay buuxinaysa jagadii ay muddo 10 sano ah ka dib banneysay Anne Amadi .