Madaxa ugu sarreeya ee dalka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa hoggaamiyay salaadda janaasada ee lagu tukaday meydka madaxii ururka Xamaas ee dhawaan la dilay Ismaaciil Haniyeh.
Waxaa caasimadda dalkaasi ee Tehraan gaar ahaan jaamacadda Tehran University maanta isugu soo baxay boqolaal qof oo baroordiiqayay iyagoo sito boorar iyo calanka Falastiin.
Meydka Haniyeh ayaa loo duulin doonaa magaala madaxda dalka Qatar ee Dooxa si halkaasi loogu aaso.
Dhanka kale , ergeyga Iiraan ku matalo qaramada midoobay Ambasadoor Amir Saeid Iravani ayaa golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee UNSC u sheegay in khaarijinta madaxa Xamaas ay muujinaysa in Israa’iil ay damacsan tahay in dagaalka Qaza uu ku sii fido qaybaha kale ee Bariga Dhexe.