Waxaa xilka madaxa fulinta ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) loo magacaabay Dr. Waqo Dulacha Ejersa.
Waxaa uu beddelay Dr. Andrew Mulwa oo jagadan si ku meel gaar ah u hayay tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkii hore.
Dr. Ejersa ayaa leh in ka badan 25 sano oo ah khibrad caafimaad gaar ahaan xeerarka caafimaadka iyo dhaqangelintooda.
Waxaa uu horay u soo hoggaamiyay waaxda wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan la tacaalidda xanuunnada qaaxada ,baraska iyo cudurrada saameeya sambabbada.
Dr. Waqo ayaa shahaadaha heerka Degree ee caafimaadka iyo qaliinnada ka qaatay jaamacadda Nairobi.
Waxaa uu sidoo kale haystaa shahaadada Masters ee caafimaadka dadweynaha oo uu ka qaatay jaamacadda Melbourne ee dalka Australia.
Guddoomiyaha guddiga maamulo KEMSA ,Irungu Nyakera ayaa soo dhaweeyay magacaabidda Dr. Waqo wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay ka wada shaqeeyaan wanaajinta adeegyada caafimaadka ee dalka.