Maamulayaasha dugsiyada sare oo dalbanaya in lacago dheeraad loo qoondeeyo

0
267

Ururka ay ku mideysan yihiin maamulayaasha dugsiyada sare ee wadanka ee KESSHA ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay miisaaniyad dheeraad ah u qoondeyso xarumahan waxbarasho.
Guddoomiyaha ururka KESSHA ,Indimuli Kahi ayaa arrinkan ka sheegay shirweynaha qaran ee ururkan uga socdo Mombasa oo ah midkii 46-aad.
Waxaa uu soo jeediyay in dowladda laga doonaya inay si buuxda u soo saarto lacagaha loogu talagalay dugsiyada sare oo ayna dhaqaalahan kordhiso.
Mr. Indimuli ayaa xusay in maamullada dugsiyada leh qaybaha jiifka ee ay ardayda seexdaan ay ku adkaatay maareynta qiimaha sarreya ee maciishadda maadaama uu kordhay qiimaha cuntooyinka kala duwan.
Shirweynaha KESSHA oo socon doono shan cishe ayaa looga hadlaya dib u dhaca ku yimaado bixinta lacagaha la siiyo dugsiyada sare ee dalka ,gaabadka dhaqaale ee ay wajahayaan iyo qorshaha macallimiinta si la mid ah shaqaalaha kale ee dalka bishiiba looga jaraya boqolkiiba 1.5 ee mushaarkooda si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxaa shirkaasi ka qayb galaya in ka badan 7,000 oo ah maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka .