Lix qof oo dhintay ka dib markii diyaarad militari oo Qatar leedahay ay burburtay

0
437

Ugu yaraan lix qof ayaa dhintay ka dib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee militariga Qatar ay ku dhacay badda dalkaas sababo la xiriira “cilad farsamo,” sida ay sheegtay dowladda. Diyaaraddan ayaa waxaa saarnaa toddobo qof, iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha ee Qatar ay sheegtay in howlgallada baadigoobka ay weli socdaan si loo helo qofka weli maqans.
Wasaaradda difaaca Qatar ayaa sheegtay in diyaaradda ay cilad farsamo la kulmay inta ay ku guda jirtay howlo joogto ah, taasoo keentay inay ku dhacdo biyaha dalka. Lama sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta shilka ama aqoonsiga dadka saarnaa.
Sidoo kale, magaalooyinka Dimona iyo Arad ee Koonfurta Israa’iil ayaa habeenkii xalay la kulmay laba weerar oo gantaal ah oo Iiraan ay ku qaaday, taasoo dhaawac gaarsiisay in ka badan 180 qof, halka kumanaan kale lagu daweeynaayo isbitaalada tan iyo bilowgii dagaalka.