Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen kadib markii laba qarax ay ka dhaceen xarun militari oo ku taalla magaalada Viacha ee Bolivia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Wasaaradda Difaaca Bolivia ayaa sheegtay in qaraxyadu ay Jimcihii ka dhaceen goob loo isticmaalo kaydinta walxaha qarxa ee loo adeegsado rashka iyo qalabka iftiiminta .
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa qiyaastii 30 kiiloomitir (18 mayl) u jirta magaalada La Paz, oo ah caasimadda maamulka dalka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tobanaan qof ay ku dhaawacmeen qaraxyada, iyadoo baaritaanno lagu sameynayo sababta keentay dhacdada iyo khasaaraha intaas le’eg.




