Laba carruur ah ayaa la sheegay inay isla goobta ku dhinteen kaddib qarax looga shakisan yahay inuu ka dhashay walax qarax ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Nanighi ee ismaamulka Garissa.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in carruurtu ay ku ciyaarayeen walaxda markii ay si lama filaan ah u qaraxday, taasoo sababtay dhimashadooda.
Xarun ay leeyihiin ciidamada difaaca Kenya ee KDF oo ku dhow goobta ayaa la sheegay inay maqleen qaraxa xooggan, taasoo keentay in ciidamada ay halkaas tagaan si ay ammaanka u sugaan.
Baaritaanno ayaa la filayaa in lagu ogaado halka ay walaxdu ka timid iyo sida ay ku dhacday gacanta carruurta.




