Booliiska dalkani Kenya ayaa dalka Tanzania ku soo xiray nin looga shakisan yahay dilka Sheila Odoyo, kaddib muddo laba sano ah oo la baadi-goobayay.
Sheila Odoyo ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalla Athi River subaxnimadii sagaalka May, sannadkii 2024-kii, waxaana tan iyo xilligaas socday baaritaanno lagu raadinayay eedeysanaha.
Baaritaannada ay sameeyeen dambi-baarayaasha ayaa ugu dambeyn horseeday in xog laga helo goobta uu ku dhuumanayay eedeysanaha, taasoo ah Kirongwe, degmada Shirati ee dalka Tanzania.
Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi uu halkaas ka maamulayay goob lagu caweeyo, iyadoo goobtaasi ay qiyaastii 70 kiiloomitir u jirto xadka Muhuru.
Howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen dambi-baarayaasha saldhigga Athi River, kuwa Nyatike iyo ciidamada ammaanka Tanzania ayaa lagu soo qabtay Jackson Otieno Bambo, oo sidoo kale loo yaqaan James Babu Olang, kaas oo ahaa sayga haweeneyda.
Booliisku waxay sheegeen in xilligii la qabanayay ninka laga helay kaarka aqoonsiga qaranka Tanzania oo ku qornaa magaca James Babu Olang, arrintaas oo qayb ka ah baaritaannada socda.
Eedeysanaha ayaa markii hore lagu xiray saldhigga booliiska Nyatike, kaddibna waxaa loo gudbiyay saldhigga Athi River, halkaas oo uu ku sii xirnaan doono inta laga horgeynayo maxkamadda si uu uga jawaabo eedda dilka loo haysto.
Waaxda dambi-baarista ee DCI ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu soo qabanayo dadka looga shakiyo dambiyada culus, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha ammaanka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Eedeysanaha ayaa weli wajahaya eedeyn, waxaana go’aanka dambiga lagu leeyahay iska leh maxkamadda.




