Ku xigeenka barasaabka Kisii oo xilka laga qaaday

0
192

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kisii ayaa xil ka qaadis ku sameeyay ku xigeenka guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Robert Monda.
Waxaa mooshinkii ka dhanka ahaa mas’uulkan codkooda ku taageeray 51 ka mid ah wakiillada halka 15 ay ka soo horjeesteen.
Tani ayaa timid ka dib markii Monda lagu eedeyay laaluush qaadasho iyo ku tagriifalka awoodiisa xafiiseed.
Eedeymaha loo jeediyay waxaa ka mid ah in howlwadeennada ismaamulka Kisii ay isaga u qabanayeen shaqooyin gaar u ah, inuu dalbaday lacag laaluush oo dhan 500,000 oo shilin iyo waxyaabo kale oo uu dhammaantood iska fogeeyay.
Dr. Robert Monda ayaa horay u sheegay in mooshinka laga gudbiyay aan lagu saleyn caddeymo wax ku ool ah.
Waxaa uu in muddo ah khilaaf shaqo ka dhexeeyay Monda iyo guddoomiyaha Kisii Simba Arati.
Barasaabka Kisii ayaa dhawaan wakiillada ka codsaday inay ka tanaasulaan xil ka qaadista ku xigeenkiisa balse baaqaasi ayaan la tixgelin.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Ichuni ,Wycliffe Siocha uu golaha Kisii hor geeyay mooshin ku aaddan xil ka xayuubinta barasaab ku xigeenka ismaamulkaasi.