Koronto la’aan ka jirta isbitaalka Al-Shifa ee Qaza

0
260

Waxaa koronto la’aan ah isbitaalka ugu wayn xarumaha caafimaadka ee Qaza ee Al-Shifa sida laga soo xigtay ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee Qaza Maher Shamiyeh.
Mas’uulkan ayaa xusay in hadda isbitaalkaasi laga bixinaya daryeelka koowaad ee loo yaqaano First Aid iyo daaweynta xanuunnada aasaasiga ah.
Bishii hore ayay ahayd markii ay Israa’iil duqeymo ku bartilmaameedsatay dhismaha uu ku yaallo isbitaalka Al-Shifa ee Qaza.
Shamiyeh ayaa intaasi ku daray in isbitaalkan uu qaabili jiray boqolkiiba 40 ilaa 50 ee howlaha wasaaradda caafimaadka balse hadda koronto la’aan awgeed ay halkaasi ku sugan yihiin kumanaan qof oo weerarrada Israa’iil ku barakacay.
Waxaa uu warbaahinta Aljazeera u sheegay in shalay xaruntaasi la geeyay meydadka 200 oo qof oo la dilay iyo 200 oo kale oo dhaawac ah.
Mas’uulkan ayaa tilmaamay in dhaawaca badankoodu ay u baahan yihiin qalliinno culus oo aan hadda isbitaalka Al-shifa laga sameyn karin .