Kitengela: EACC oo dib ula wareegtay dhul la dhacay

0
651

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa sheegay inuu dib ula wareegay dhul dugsiyeed oo ku yaalla magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Guddiga ayaa qiimaha dhulkan ku sheegay 50 milyan oo shilin.
Garsoore Christopher Nzili ayaa sheegay in EACC ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo ku aaddan in dhulkaasi si sharci darro ah lagu qaatay.
Guddiga ayaa maxkamadda u sheegay in dhulkan oo ka kooban ilaa 4 heektar in markii hore loogu talagalay dugsiga Kitengela balse si aan nidaam ahayn loogu qoondeeyay howlo ganacsi.