Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki, ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobolka Bartamaha dalka in ay taageeraan dib u doorashada madaxweyne William Ruto sanadka 2027, si gobolkaasi u helo fursad uu hoggaanka ula wareego 2032.
Kindiki ayaa sheegay in haddii Ruto dib loo doorto, ay ka harsanaan doonto muddo shan sano ah oo keliya ka hor doorashada 2032, taas oo uu ku tilmaamay waqti ku filan in gobolkaasi uu diyaariyo musharrax u tartama xilka madaxweynaha, halkii ay ka sugi lahaayeen muddo ka dheer.
Waxaa uu sidoo kale dhaliilay siyaasiyiin uu sheegay inay dadka ku qaldayaan taageeridda musharraxiin kale 2027, isagoo xusay in arrintaas ay dib u dhigeyso fursadda gobolka ee hoggaanka dalka. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in taageerada Ruto ay tahay mid istaraatiiji ah oo ku saleysan xisaab siyaasadeed.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaas ku daray in dowladda ay waddo mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo ka socda gobolka, oo ay ka mid tahay dhismaha buundada cusub ee Nithi, taas oo la filayo inay noqoto mid ka mid ah buundooyinka ugu waaweyn dalka, isla markaana yareyso shilalka ka dhaca deegaankaas.
Home Wararka Kenya Kindiki oo ugu baaqay gobolka bartamaha dalka in ay taageeraan Ruto doorashada...




