Kilifi: 2 nin oo lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ah

0
605

Maxkamadda ismaamulka Kilifi ayaa xukun xabsi oo min Toban sano ah ku ridday labo nin oo lagu helay in ay faraxumeeyeen wiil 14 sano oo dhimirka ka xanuunsan.
David Katana Karisa iyo Charles Nyoka Hamisi ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ahayd in ay dhiibanaha ugu hanjabeen in ay dilayaan.
Dembiyadan ayaa ka dhacay tuulada Roka ee Waqooyiga dowlad deegaanka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Falalkan ayaa la gaystay taariikhyo kala duwan inta u dhexeysay bishii Toddobaad ilaa bishii Siddeedaad ee sanadkii 2023-kii.
David iyo Charles ayaa lagu dhaliilay in ay wiilka ay faraxumeeyeen uga faa’iidaysteen xanuunka dhimirka .