Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in laga billaabo bisha Shanaad ee May ee sanadkan ay kenyaanka codsado baasaboorka ku heli doonaan muddo 21 cishe gudaheeda ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo ka dib markii ay dowladdu xarunta dhexe ee waaxda socdaalka ee Nyayo House ay ka daahfurtay labo ka mid ah mashiinada lagu daabaco dokumeentigan muhiimka ah ee lagu safro.
Waxaa la filayaa in mashiinnadan ay halkii saac soo saaraan ilaa 600 oo baasaboorro ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa qorsheynaysa in ay laba jibbaar ka dhigto soo saaridda baasaboorrada.
Waxaa wasaaradda laga soo xigtay in sanadkii hore la soo saaray 533,000 oo baasaboorro ah balse sanadkan uu qorshuhu yahay in tiradan ay noqoto ugu yaraan hal milyan.
Kindiki ayaa sidoo kale sheegay in laga billaabo bisha Siddeedaad ee sanadkan , soo saaridda baasaboorka ay qaadan doonto 7 cishe iyadoo marka la gaaro bisha 11-aad uu qofku dokumeetigan sugi doono 3 maalmood.