Kenyaanka deegaannada kala duwan u safraya oo loogu baaqay inay taxaddar muujiyaan

0
408

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Issac Mwaura ayaa waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in marka la gaaro xilliga dabbaal degyada Christmas ee ay u safrayaan deegaanada kala duwan ee wadanka inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.
Tani ayuu u aaneeyay roobabka culus ee El-Nino ee da’aya welina la saadaalinaya inay sii jiri doonaan.
Issac Mwaura ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ka sheegay in daadadka ka dhashay roobabka culus awgood in waddooyin badan ay go’een.
Waxaa uu digniin gaar ah u diray gaadiidleyda oo uu kula taliyay inay ka feejignaadaan inay rakaabka ka gudbiyaan meelaha ay biyuhu ku badan yihiin.
Issac Mwaura ayaa xusay in la rajeynaya in roobabka ay ka sii da’aan qaybo ka mid ah koonfurta dalka aagga harada Victoria , buuraleyda dhexe , Koonfurta Bari ee gobolka Rift Valley, Xeebta iyo Galbeedka dalka ilaa 15-ka bishan 12-aad.