Kenya oo qabanaysa Shirweynaha Caafimaadka 2026, in ka badan 5,000 ergo ahna ka qaybgalaya

0
43

Kenya ayaa berri oo Talaado ah, 18-ka Agoosto, magaalada Nairobi ku qabanaysa Shirweynaha Caafimaadka dalka sanadkan 2026, kaas oo muddo laba maalmood ah ka socon doona Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee (KICC).
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 5,000 ergo oo ka kala socda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, hay’adaha caafimaadka, bah-wadaagta horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay, ururrada xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore.
Shirweynaha oo halku-dhiggiisu yahay “Dib-u-habeynta oo la hirgeliyey, Caafimaadkuna yahay Xuquuq”, ayaa diiradda lagu saari doonaa qiimeynta isbeddellada lagu sameeyay nidaamka caafimaadka Kenya iyo sidii siyaasadaha loo beddeli lahaa adeegyo caafimaad oo la heli karo, la awoodi karo, isla markaana la isku halleyn karo.
Arrimaha ugu waaweyn ee looga hadli doono waxaa ka mid ah maalgelinta caafimaadka, daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, shaqaalaha caafimaadka, helitaanka dawooyinka, caafimaadka dhijitaalka ah, isla-xisaabtanka iyo maamulka adeegyada caafimaadka.
Madaxweynaha dalka , William Ruto, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo shirka, iyadoo ay ka qaybgalayaan wasiirka wasaaradda Caafimaadka dalka , Aden Bare Duale, mas’uuliyiin sare oo dowladda ah iyo hoggaamiyeyaasha caafimaadka ee ismaamulada.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in shirku fursad u noqon doono dowladda inay dib u eegto horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta caafimaadka muddadii saddexda sano iyo bar ee lasoo dhaafay, gaar ahaan maalgelinta caafimaadka, daryeelka aasaasiga ah, caafimaadka dhijitaalka ah, sharciyada, maamulka iyo nidaaminta adeegyada.
Waxaa sidoo kale si gaar ah diiradda loo saari doonaa hirgelinta Hay’adda Caafimaadka Bulshada (SHA) iyo xoojinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, iyadoo Kenya ay doonayso inay gaarto Caymiska Caafimaadka Guud ee muwaadiniinta.
Si kastaba, shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan caqabado la xiriira kharashaadka caafimaadka, helitaanka adeegyada, shaqaalaha caafimaadka iyo farqiga u dhexeeya adeegyada laga helo dowlad deegaanada kala duwan ee dalka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in shirku uusan ku ekaan doonin dood iyo bandhigyo, balse laga filayo in lagu gaaro ballanqaadyo cad oo la cabbiri karo, lana daba-geli karo marka uu shirka soo dhammaado.
Dhammaan 47-ka ismaamul ee Kenya ayaa la filayaa inay codkooda ku yeeshaan shirka, iyadoo sidoo kale la soo bandhigi doono hal-abuurro cusub oo ku saabsan caafimaadka dhijitaalka ah iyo adeegsiga sirdoonka macmalka ah si loo horumariyo adeegyada caafimaadka.
Doodaha kale ayaa diiradda lagu saari doonaa shaqaalaha caafimaadka, soo saarista dawooyinka gudaha dalka, amniga caafimaadka, maamulka iyo isla-xisaabtanka.
Shirka ayaa la filayaa inuu ku soo dhammaado heshiis iyo war-murtiyeed wadajir ah oo qeexaya tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu fulinayo dib-u-habeynta caafimaadka Kenya wixii ka dambeeya shirweynaha.