Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ee Kenya ayaa magacowday madax cusub oo hoggaamin doona saddex hay’adood oo muhiim u ah waaxda tamarta dalka.
Tom Odhiambo Imbo ayaa loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta ee Shirkadda Gudbinta Korontada Kenya, KETRACO.
Sidoo kale, Stephen Kipsang Busieney ayaa loo magacaabay madaxa Shirkadda Horumarinta Tamarta Dhulka Hoostiisa, GDC.
Dhanka kale, Injineer Edward Mwirigi Kinyua ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xakamaynta Tamarta iyo Batroolka ee Kenya, EPRA.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka, Opiyo Wandayi, ayaa ansixiyay magacaabistan, kuwaas oo dhaqan galay isla markiiba.
Wasaaraddu waxay sheegtay in magacaabista cusub ay timid kadib habraacyo shaqaaleysiin ah oo ay guddiyada hay’adahaasi u mareen si waafaqsan sharciga iyo tilmaamaha maamulka shaqaalaha.
Wasiirka Tamarta ayaa hambalyo u diray madaxda cusub, iyaga oo laga filayo inay door ka qaataan qorshayaasha dowladda ee horumarinta iyo maareynta waaxda tamarta iyo batroolka Kenya.




