Kenya oo maanta looga dabbaal degaya maalinta qaran ee dhaqanka

0
310

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta kenyaanka ku hoggaamin doono xuska qaran ee maalinka dhaqanka.
Dabbaal deggan ayaa lagu qaban doonaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dhaqanka , farshaxanta iyo hiddaha ee dalka , Ummi Bashiir ayaa sheegtay in qaybaha kale ee wadanka lagu qaban doono dabbaal degyo lagu soo bandhigaya dhaqammada kala duwan ee bulshooyinka ku nool wadanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dowladda dhexe ay ka go’an tahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka kenyaanka.
Xoghayaha ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqday inay si wayn ugu soo baxaan xuska maalinta qaran ee dhaqanka .
Xuskan ayaa horay loo yaqaanay Moi Day oo loogu magacdaray madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Arap Moi.
Waxaa loo beddelay Huduma Day ka hor inta aan sanadkii 2020-kii laga dhigin Utamaduni Day.