Hay’adda u qaabilsan Heerarka tayada iyo xaqiijinta badeecooyiinka Kenya ee (KEBS) ayaa ku dhawaaqday doorasho intii uu socday shir-sannadeedka ISO ee 2026, kaas oo lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Agaasimaha Guud ee KEBS, Esther Ngari, ayaa xaqiijisay in Kenya ay ku guuleysatay kursiga kaddib tartan ay ka qeyb galeen shan dal.
Doorashadan ayaa Kenya siinaysa fursad ay kaga qeyb qaadato hoggaaminta iyo dejinta istaraatiijiyadda nidaamka caalamiga ah ee halbeegyada, iyadoo ka faa’iideysanaysa waayo-aragnimadii ay hore uga heshay xubinnimada golahaas.
War ay soo saartay KEBS ayaa lagu sheegay in natiijadani muujinayso kalsoonida ay beesha caalamiga ah ee halbeegyada ku qabto dadaalka iyo kaalinta Kenya ee horumarinta halbeegyada caalamiga ah.




