Kenya oo ku dhawaaqday in dalka laga ciribtiray cudurka Ebola, kaddib markii dhammaan bukaannadii ay bogsadeen

0
68

Kenya ayaa hadda xaqiijisay in dalka uusan ka jirin cudurka Ebola, kaddib markii Wasaaradda Caafimaadka ay Arbacadii ku dhawaaqday in dhammaan bukaannadii laga helay fayraska halista ah ay ka bogsadeen.
Wasiirka Caafimaadka, Aden Duale, ayaa sheegay in dhammaan toddobadii bukaan laga saaray isbitaallada, halka dadkii ay xiriirka la sameeyeen bukaannada cudurka laga helay ay dhammeysteen baaritaannadii iyo dabagalka caafimaad ee looga baahnaa.
“Maanta, markii bukaankii ugu dambeeyay laga saaray isbitaalka, waxaan xaqiijin karnaa una sheegi karnaa caalamka in dhammaan toddobadii bukaan ay bogsadeen, isla markaana dadka kale ee lala xiriiriyay bukaannada ay dhammeysteen muddadii dabagalka caafimaad.”
Tan iyo markii cudurka Ebola markii ugu horreysay laga xaqiijiyay Kenya 3-dii Oktoobar, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, iyadoo ku guuleysatay in si degdeg ah loo xakameeyo.
Duale ayaa xusay in wasaaraddu si buuxda u sameysay raadraaca dadka xiriirka la yeeshay bukaannada, iyadoo dhammaan 135-kii qof ee la xiriiray qofkii cudurka dibadda ka keenay si koox-koox ah looga sii daayay xarumaha karantiilka.
20-kii qof ee ugu horreeyay ayaa dhammeystay muddadii 21-ka maalmood ahayd ee la socodka caafimaad, waxaana la sii daayay 26-kii Oktoobar. Sidoo kale, 46 qof oo kale ayaa la filayay in karantiilka laga sii daayo 3-dii Nofeembar.
Kenya ayaa xaqiijisay sagaal xaaladood oo cudurka ah, iyadoo la sheegay in laba qof ay u dhinteen.
Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto kormeerka caafimaad ee 26-ka goobood ee laga soo galo dalka, halkaas oo ilaa hadda lagu baaray in ka badan 760,000 oo qof oo safar ku yimid Kenya.
Dowladdu waxay sidoo kale sii shaqeyn doontaa xarumaha gurmadka degdegga ah iyo kooxaha sida dhaqso ah uga jawaaba xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, kuwaas oo heegan ku jiri doona guud ahaan dalka.
Inkasta oo tallaabooyinka ka hortagga cudurka ay sii soconayaan, Wasaaradda Caafimaadka ayaa caddeysay in Kenya ay weli u furan tahay isu-socodka dadka, ganacsiga iyo kulamada dadweynaha, iyadoo aan wax xayiraad ah lagu soo rogin.