Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa shaacisay in dowladaha Kenya iyo Maraykanka ay ka go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhexeeya.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu madaxa laanta booliiska ee la dagaallanka argagixisada ee dalka ee ATPU ,Mr .Said Kiprotich uu la qaatay wafdi ka socday Maraykanka oo ay hoggaaminaysay Ms Kelly Dixon.
Waxyaabaha ay labada dhinac isku afgarteen waxaa ka mid ah inay iska kaashadaan uruurinta xogaha sirdoonka oo ay macluumaadkan wadaagaan,sare u qaadidda aqoonta saraakiisha iyo in Maraykanka uu Kenya ugu deeqo qalabka lagula dagaallamo dembiyada oo casri ah.
Mr. Said ayaa xukuumadda Washington uga mahadceliyay taageerada dhanka la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadeysan ee ay siiso dalka.
Waxaa uu xusay in dhawaan lagu guulaystay dacwado la xiriira argagixisannimada oo shakhsiyaad lagu soo oogay ka dib markii qiimeynta caddeymaha ay iska kaashadeen laanta ATPU-da iyo waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da.