Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa wada gaaray heshiis la doonayo in howlaha adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyo qalabka uu adeegsado looga dhigo kuwo casri ah.
Is-afgaradkan ayaa ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 930 milyan oo shilin.
Waxaa uu si gaar ah diiradda u saari doonaa horumarinta shaqaalaha iyo tababarrada ay u baahan yihiin.
Tani ayaa qayb ka ah iskaashiga 60 sano ka dhexeeyay Kenya iyo Maraykanka.
Sidoo kale , Maraykanka ayaa ballan qaaday inuu Kenya ku taageeraya 4.9 milyan oo doollar una dhiganta 650 milyan oo shilin oo loo adeegsan doono la tacaalidda dembiyada abaabulan ee ka gudba xuduudda.