DHAGEYSO:Kalonzo oo Beeniyay Wararka Sheegaya inuu la Shaqeynayo Madaxweyne Ruto

0
122

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya inuu qorsheynayo inuu la shaqeeyo Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto doorashada guud ee sannadka soo socda, isaga oo carrabka ku adkeeyay inuusan ka bixi doonin safka mucaaradka.
Kalonzo oo warbaahinta la hadlay kaddib kulan uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha ururka Linda Mwananchi, ayaa sheegay in uusan jirin wax qorshe ah oo uu kula shaqeynayo dowladda, isla markaana uu sii wadi doono doorkiisa mucaaradnimo.
Sidoo kale, wuxuu beeniyay wararka sheegaya inuu kulan la yeeshay Madaxweyne Ruto, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn oo ay faafinayaan dad ka cabsi qaba in laga adkaado doorashada guud ee sannadka soo socda.
Kalonzo ayaa ku adkeystay in mowqifkiisu uusan isbeddelin, islamarkaana uu sii wadi doono la shaqeynta hoggaamiyeyaasha mucaaradka si loo xoojiyo dadaallada lagu doonayo isbeddel siyaasadeed iyo u adeegidda danaha shacabka.