Japan oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah

0
444

Dowladda dalka Japan ayaa soo saartay digniin degdeg ah iyadoo duufaanta xooggan ee Shanshan ay ku wajahan tahay Koonfurta Galbeed ee waddankaasi.
Tani ayaa sababtay in shirkadda baabuurta sameysa ee Toyota ay dantu ku qasabtay in ay warshadaheeda xirto.
Sidoo kale shirkadaha duullimaadka ayaa baajiyey duullimaadyo dhowr ah.
Wakaaladda Japan u qaabilsan saadaasha hawada ee (JMA) ayaa maanta shaacisay in duufaanta Shanshan ay qiyaastii 70 kiilomitir u jirto jasiiradda Yakushima.
Waxay ku wajahan tahay dhanka Waqooyi ee Kagoshima iyo Miyazaki sida ay tabinaysa warbaahinta qaran ee Japan ee NHK .