Madaxa Mashaariicda Gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Dhaqaalaha Hal-abuurka, Dennis Itumbi, ayaa shaaca ka qaaday in khudbadda Madaxweyne William Ruto ee Maalinta Madaraka ay udub dhexaad u noqon doonto dhaqaalaha buluuga ah, iyada oo dowladda ay diiradda saarayso furitaanka awoodda qaybta ee kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Isagoo ka hadlayay hadal uu warbaahinta siiyay ka hor munaasabadda 62-aad ee Maalinta Madaraka oo maanta ka dhacaysay garoonka Raila Odinga ee ismaamulka Homa Bay, ayaa waxaa uu xusay in madaxweynaha uu xoogga saari doono sida ay dowladda uga go’an tahay in kheyraadka biyaha Kenya laga dhigo mid hormuud u ah horumarka.
Itumbi ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay si bareer ah u dooratay degmada Homa Bay in ay martigeliso dabbaaldegyada qaran ee sanadkan sababo la xiriira goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo marinka ballaaran ee Harada Victoria, taas oo bixisa fursado aad u ballaaran ee dhinaca kalluumaysiga, beeralayda, gaadiidka biyaha, iyo dalxiiska.
Khudbada dhamaystiran ee madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha kale ee maanta munnaasabadan ka qayb galay waxaad ku maqli doontaan wararkeena xigga.
Home Wararka Kenya Itumbi oo ka hadlay hadal jeedinta madaxweynaha ee munnaasabada Maalinta Madaraka