Israa’iil oo weerar ku dishay ugu yaraan 44 qof

0
234

In ka badan 44 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerarro ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen xerooyinka qaxootiga ee Jabalia iyo Maghazi ee Waqooyiga Qaza.
Ugu yaraan 80 Falastiiniyiin dheeraad ah ayaa ku dhaawacmay duqeymaha.
Militariga Israa’iil ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday isbitaallada al-Awda iyo Kamal Adwan ee ku yaalla Waqooyiga Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa weerarrada militari ee ay weli Israa’iil ka wado gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 42,519 ruux iyadoo la dhaawacay 99,637 kale.