Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo ay Isniintii soo magacawday madaxa waaxda cadaaladda dalka Martha Koome ayaa Talaadada eegi doono dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii uu baarlamaanka ku sameeyay Rigathi Gachagua taasi oo uu ayiday aqalka sare.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday garsoore Freda Mugambi oo ka howlgasho maxkamadda sare laanteeda magaalada Kerugoya ee ismaamulka Kirinyaga.
Waxay arrintan ku tilmaantay mid degdeg ah iyadoo amartay in dhinacyada ay dacwadda khuseyso lala wadaago oo ay soo jawaabaan.
Guddiga garsoorayaasha ee la soo magacaabay ayaa ka kooban xaakinnada kala ah Eric Ogola, Anthony Mrima iyo Dr. Mugambi.
Jimcihii ayay ahayd markii garsoore Chacha Mwita uu hakiyay amarkii aqalka sare uu xilka uga qaaday madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Sidoo kale , waxay maxkamaddu hor istaagtay magacaabidii Prof. Kithure Kindiki ee xilka madaxweyne ku xigeenka waddanka iyo qorshihii dhaarinta.
Dhanka kale, dhowr ka mid ah ururrada bulshada , xuquuqul aadanaha iyo siyaasiyiin ayaa ka soo horjeestay magacaabidii Kindiki.
Shakhsiyaadkan oo uu ka mid yahay senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa hoosta ka xarriiqay in wasiir Kindiki uunan xaqiijin in ay cadaalad helaan qoysaska dadkii ku nafwaayay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Shacabka ku nool tuulada Irunduni ee ismaamulka Tharaka Nithi oo uu ka soo jeedo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhankooda isku diyaarinaya in ay u dabbaal degaan in loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalka .
Waxay rajeynayaan in ugu dambeyn meesha laga saari doono amarkii ay maxkamaddu ku hor istaagtay dhaqangelinta isbeddelka hoggaamineed.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii Gachagua oo la dhageysan doono...