Israa’iil oo weerar ku dishay ugu yaraan 13 qof

0
183

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa in ka badan 13 qof oo isugu jiray haween iyo carruur ku dilay weerar ay ka gaysteen xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Marinka Qaza.
Waxay sidoo kale magaalada Rafah ku burburiyeen daar la degganaa.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 30,960 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 72,524 kale.