Israa’iil oo ugu yaraan 21 qof ku dishay Qaza

0
198

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa weerar ay ka gaysteen magaalada Qaza ee dalka Falastiin ku dilay in ka badan 21 qof.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 150 ruux oo kale.
Dadkan ayaa ka mid ahaa shakhsiyaad sugayay in loo qaybiyo gargaar cunno.
Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza waxaa uu weerarka ka dhacay wareegga loo yaqaano Kuwaiti roundabout.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 31,341 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 73,134 kale.