Israa’iil ayaa qaramada midoobay u sheegtay in aynan ansixin doonin in kolonyada gargaarka sida ee hay’adda daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ay galaan Waqooyiga Qaza.
Waxaa halkaasi ay cunno yari aad u sarreysa ku haysataa boqolkiiba 70 ee shacabka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 32,226 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore iyadoo la dhaawacay 74,518 kale.