Militariga Israa’iil ayaa sheegaya inuu gebi ahaanba la wareegay xadka Qaza ay la leedahay dalka Masar.
Marinkaasi ayaa loo yaqaanaa Philadelphi Corridor .
Tani ayaa muujinaysa in Israa’iil ay sii xoojisay duullaanka dhuleed in kastoo ay tallaabadaasi kala kulmaysa cambaareyn caalami ah.
Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa in weli duqeymaha Israa’iil ay ka socdaan magaalada Koonfureed ee Rafah ee Falastiin.
Ciidamada hawada ee Israa’iil ayaa dilay labo ka mid ah khuburrada gaarka ah ee bixiya adeegyada degdegga ee caafimaadka kuwaasoo la shaqeynayay ururka Bisha Cas ee dalka Falastiin.
Saraakiishan ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen in ay soo samatabixiyaan dad lagu dhaawacay xerada qaxootiga ee Tal as-Sultan ee Galbeedka magaalada Rafah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 37 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarro ay dhawaan Israa’iil ku qaadday teendhooyin hooy u ahaa barakacayaal.