Israa’iil ayaa maanta shaacisay in ay si ku meel gaar ah u oggolaan doonto in gargaar la geeyo Waqooyiga Qaza oo shacabka halkaasi ku nool ay halis ugu jiraan macluul.
Tani ayaa ku soo beegmaysa saacado un ka dib markii dowladda Maraykanka ay soo saartay digniin ah inay wax ka beddeli doonto siyaasadeeda la xiriirta duullaanka militari ee ka socdo Qaza.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo khadka taleefoonka 30 daqiiqo kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay in siyaasadda xukuumadda Washington ee ay kula macaamilaysa Israa’iil ay ku xiran tahay qaabka loo badbaadiyo rayidka iyo samafalayaasha ku sugan Qaza.
Tani ayaa u muuqata in markii ugu horreysay uu Maraykanku shuruud ku xiray taageerada militari ee uu siiyo Israa’iil.
Waxaa go’aanka Israa’iil ay shaacisay ee lagu furaya marinnada gargaarka ee Qaza durbaba soo dhaweeyay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo.