Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 50 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerraro ay saaka Israa’iil ka gaysatay magaalada Beit Lahiya ee marinka Qaza, Khan Younis iyo Maghazi.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Falastiin ayaa dhankeeda sheegaysa in ugu yaraan 10 qof lagu dilay halka 12 kalena lagu dhaawacay weerar ka dhacay meel u dhow isbitaalka magaalada El Amal ee Koonfurta Khan Younis.
Ugu yaraan 21,110 oo ruux ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado gudaha Qaza.
Waxaa weerarradan ku dhaawacmay 55,243 qof oo dheeraad ah.
Israa’iil ayaa laga soo xigtay in weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar looga dilay 1,139 maadaama dib u eegis lagu sameeyay tiradii hore ee la diiwaangeliyay.