Israa’iil oo duqeysay isbitaalka Naasir ee Khan Younis

0
376

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay xarunta caafimaadka ee Nasser ee magaalada Khan Younis, halkaas oo ay ku dileen wariye Hassan Eslaih, maalin kaddib markii ay ugu yaraan 39 qof ku dileen weerarro ka dhacay Marinka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la soo afjaro go’doominta Israa’iil ay ku hayso Qaza, ka dib markii hoggaamiye caalami ah oo u qaabilsan la socodka gaajada uu sheegay in dhammaan dadka ku nool gobolkaasi ay wajahayaan khatarta macaluul.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu dhexdhexaadiye u diri doono Qatar si ay wadahadal nabadeed u yeeshaan ka dib markii Xamaas ay sii daysay askari haysto dhalashada Maraykan iyo Israa’iil.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay joojin doonaan qorshayaasha ay ku doonayaan inay ku balaariyaan dagaalka Qaza ilaa inta uu ka dhammaanayo booqashada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Bariga Dhexe.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza oo soo billaawday 19 bilood ka hor ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 52,862 qof halka mudadhaas gudaheedane lagu dhaawacay 119,648 kale oo Falastiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isagoo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.