Israa’iil oo duqeymo ka gaysatay dalka Lebanon

0
241

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu weerarro ku bartilmaameedsaday fariisimaha kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon.
Duqeymahan ayaa laga gaystay dhanka Koonfureed ee wadankaasi.
Militariga Israa’iil ayaa barta X ku sheegay inuu duqeeyay xarunta hubka ee aagga Meiss el Jabal oo u dhow xadka Israa’il iyo Lebanon.
Sidoo kale waxay weerareen dhismooyin ay ku sheegeen kuwo militari oo ku yaalla tuulooyinka Aita al-Shaab iyo Khiam.
Hasa ahaate , lama soo tabin khasaare nafeed oo ka dhashay duqeymaha.